ورود به حساب

نام کاربری گذرواژه

گذرواژه را فراموش کردید؟ کلیک کنید

حساب کاربری ندارید؟ ساخت حساب

ساخت حساب کاربری

نام نام کاربری ایمیل شماره موبایل گذرواژه

برای ارتباط با ما می توانید از طریق شماره موبایل زیر از طریق تماس و پیامک با ما در ارتباط باشید


09117307688
09117179751

در صورت عدم پاسخ گویی از طریق پیامک با پشتیبان در ارتباط باشید

دسترسی نامحدود

برای کاربرانی که ثبت نام کرده اند

ضمانت بازگشت وجه

درصورت عدم همخوانی توضیحات با کتاب

پشتیبانی

از ساعت 7 صبح تا 10 شب

دانلود کتاب Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska : Iyo Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo

دانلود کتاب اعترافات جاسوسان انگلیسی: و دشمنی انگلیس با اسلام

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska : Iyo Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo

مشخصات کتاب

Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska : Iyo Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo

ویرایش: [2 ed.] 
نویسندگان:   
سری:  
 
ناشر: Hakikat Kitabevi Publications 
سال نشر: 2014 
تعداد صفحات: 128 
زبان: Somali 
فرمت فایل : PDF (درصورت درخواست کاربر به PDF، EPUB یا AZW3 تبدیل می شود) 
حجم فایل: 756 Kb 

قیمت کتاب (تومان) : 57,000



ثبت امتیاز به این کتاب

میانگین امتیاز به این کتاب :
       تعداد امتیاز دهندگان : 9


در صورت تبدیل فایل کتاب Qirashadii Jaajuuska Ingiriiska : Iyo Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo به فرمت های PDF، EPUB، AZW3، MOBI و یا DJVU می توانید به پشتیبان اطلاع دهید تا فایل مورد نظر را تبدیل نمایند.

توجه داشته باشید کتاب اعترافات جاسوسان انگلیسی: و دشمنی انگلیس با اسلام نسخه زبان اصلی می باشد و کتاب ترجمه شده به فارسی نمی باشد. وبسایت اینترنشنال لایبرری ارائه دهنده کتاب های زبان اصلی می باشد و هیچ گونه کتاب ترجمه شده یا نوشته شده به فارسی را ارائه نمی دهد.


توضیحاتی درمورد کتاب به خارجی



فهرست مطالب

hOrdhaC
Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo
mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu
cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa uu kitaabkiisa quraanka
kusheegay sidatan:nin layiraahdo Cabdulaahi Binu Saba ee
Yahuudiga ahaa ee reer Yamaneedka ahaa waxaa uu ahaa
(Mushrikiinta Iyo Yahuuda Ayaa Ugu Cadaawad Badan
Mu’miniinta) Maa’ida Aayada/82, Islaamka burburintiisa
dhanka gudaha waxaa u istaagay ninkaan waana ninkii ugu
horeeyey ee Islaamka fidno ka dhex abuura waxaana uu aas
aasay firqada layiraahdo Shiicada taas oo uu ku weeraraayay
caaqiidada saxda ah ee (Ahlusunnah wal jamacah).
Firqadani waa ay soo xoogaysanaysay xiliba xiliga kasii
danbeeyo waxana hoogaaminayay niman Yahuud ah oo isu
ekaysiinayo in ay yihiin culumada Shiicada nimankaa
Yahuuda ah dhibaatooyinka ay muslimiinta u gaysteen
waxaad uga bogan kartaa kitaabka layiraahdo (Qiyaanada
Yahuda) ee ay baahisay maktabada lagu magacaabo
maktabatul Saxaabatul Islamiyah, ee kutaala wadanka
Kuwait iyo kitaabka layiraahdo (Al Rajul Al Sanam) ee ay
baahisay maktabada layirahdo; (Maktabatu Al Bayrud),
kadib markii lakor yeelay Nabi Ciise Calayhi Salaam waxaa
wax laga badalay kitaabkii Injiil Masiixiyiinta badankoodu
waxay noqdeen (Mushrikiin) qaybo kalana waxa ay noqdeen
(Kaafiriin) maxaa yeelay waxa ay beeniyeen risaaladii Nabi
Muxamed Calayhi salaatu Wassalaam.
Qaybta Mushrikiinta noqotay iyo qaybta Kaafiriinta
noqotay waxaa la isku yiraahdaa ahlu Kitab, markii uu
Islaamku soo shaacbaxay waxaa gilgishay oo dumay
awooddii baadiriyiinta qarniyadii dhexe, si Islamka loo
- 3 -
burburiyo waxa ay aas aaseen ururo lamagac baxay
Mubashirin, waqtigaasi Ingiriisku waxaa uu ahaa dawladii
ugu horeysay ee aas aasta wasaarad loogu magacdaro
(Wasaarada Gumaysiga), waxa ay Islamka ku weerareen
hagar daamooyin Yahuudnima ah, awood siyaasadeed iyo
mid milatari oo aan laqiyaasi karin mid ka mid ah kumanaan
jaajuusiin ah kuwaas oo loo diray wadamadii Islamka oo ay
soo dirtay (Wasaradii Gumaysiga) ee dalka Ingiriiska oo la
oranjiray Hamfari kaasoo bilaabay Muxamed Cabdi Wahab
ee reer Najdiga ahaa kaas oo kunoolaa magalada Basra
sanadkii 1125 Hijiryada oo kubeegan 1713 Miiladiga.
Hagar daamooyinkiisii waxa ay ku qaadatay sanadyo
badan waxaa uu aas aasay firqada layiraahdo (Al
Wahabiyah), Hanfari waxaa uu ahaa jaajuus Ingiriis ah
waxaa uu ku qasbay wasaradii gumaysiga ee dalka Ingiriiska
tilaabooyin jaajuusnimo ah oo ku wajahan wadamada
islamka sida Masar, Ciraq, Xijaaz, Iran iyo Istanbul, oo
ahayd xaruntii khilaafada Islaamka.
Burburinta Islaamka iyo u adeegidda masiixiiyinta
cadawga Islaamku si walba oo ay isugu dayaan tirtirida
Isalaamka awood uma aysan yeelan in ay damiyaan nuurka
Allahu Tacaalaa gabi ahaanba maxaa yeelay illaahay baa
quraankiisa ku cadeeyay in uu diinkiisa ilaalinayo sidaas
darteed gaaladu ma awoodaan inay badalaan quraanka
karimka ama ay damiyaan nuurkiisa,
waligood muslimiintuna afar iyo toban qarni waxay
kusocdeen wadadii quraanka kariimka ah ee nuurka lahayd
waxayna ku hormareen dhanka siyaasadda, ganacsiga,
warshadaha, cilmiga iyo dhaqanka wanaagsan waxayna
samaysteen dowlad wayn kadib afganbigii faransiiska sanadkii
1204 hijiryada oo kubeegan sanadka 1789 miiladiga, markii ay
arkeen dhalin yadara reer yurub waxay kala kulmeen
- 4 -
hoogamiyashooda kanisadaha been abuur dulmi iyo fasaad
ayna arkeen diintii Masxiiyada inaysan ahayn mid sax ah
wayna isaga baxeen diintii Masiixiga waxayna qaateen diinta
Islamka mar walbo oo ay Masiixiyada kafogaadaana waxay ku
hormaraayeen aqoonta iyo tignolijiyada caalamiga ah, maxaa
yeelay Masiixiyadu waxay car qaladaynaysay wadada
horumarka ee musliminta.
Muslimiintii baratay kutubtii khaldanayd ee Masiixiyida
lahayd ee ay qoreen baadirinitii reer yurub ee ay ku kadsomay
dacaayadii Ingiriisku uu Islaamka kasameeyay waxay
noqdeen kuwa diinta kabaxay oo kajaahil ah diinta Islaamka,
mar walba oo Islaamka kafogaadan waxay kadib dhacayeen
aqoonta maxaa yeelay Islaamku waxaa uu amrayaa horumar
iyo shaqo, go’aanka siyaasadeed ee dawlada Ingiriska waxa
uu ahaa inay isku balaariyaan caalamka oo dhan si uu ula
baxo khayradkooda dabiiciga ah gaar ahaan Hindiya, Afrika
iyo in ay dadka kunool wadamadaas ugu shaqaystaan sida
xoolaha hantida dadkasna ay ula wareegan oo ay u
dhoofsadaan wadankooda, dhanka kale muslimiintu waxay
dadka ugu yeerayeen cadaalad, isjacayl iyo iskaashi waxayna
is hortaagayeen dulimiga iyo cadaaladarida iyo dacaayada
beenta ah ee Ingiriiska, hadaba kitaabkeenaan waxaan u
diyaarinay saddex qaybod:
Qaybta Koowaad: Qaybtan waxay noo cadaynaysaa
shirqooladii iyo dacaayadihii liitay ee ay diyaarisay Yahuuda
uuna dhaqan galiyay Ingiriiska si ay Islaamka uga
takhalusaan waxayna ka koban tahay todobada qeybood.
Qaybta Labaad: Qorshayaashii ay ka dhaqan galinayeen
wadamada Islaamka ayna ku burburinayeen labadii quwadood
ee Islaamka ee kala ahaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta iyo
- 5 -
dawladii wadanka Hindiya, taariikhdaasna waxaad si
faahfaahsan uga bogan kartaan kitaabka layiraahdo
(Xaqiiqatul Yahuud) ee ay faafisay maktabatul Asxaabatul
Islamiyah ee dalka Kuwait oo ciwankedu yahay Bopox 22821
Waxana qoray kitaabkaas nin layiraahdo Fu’aad Sayid
Cabdiraxman Alrufaciyah kitaabkaasna waxaa uu kusaabsan
yahay weeraradii ay Yahuudu kuhayeen diimaha muddo dhan
2000 sano iyo sida ay Islaamku udumiyeen waxaana
kitaabkaan kusoo bandhigi doonaa cadaymo qoraal ah
kuwaasoo ka badbaadinaayo dadka wax magaratada ah ee ku
dhacay shirqool kii wahaabiyada.
Qaybta sadexaad: Qaybtaan waa warkii oo kooban
waxayna sugaysaa diinta Islaamka in ay tahay diinta xaqqa ah.




نظرات کاربران